4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Faah faahin ku saabsan weerar Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye

 

Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa fiidnimadii xalay waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, kadib markii ciidamada dowladda oo helay gurmad ayaa u suuragashay in ay iska caabiyaan xoogaggii soo weeraray.

Inkastoo ilaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, ayaa hadana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda lagu dhaawacay dagaalkan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weerareen fariisinkan ciidamada ay ku leeyihiin xaafada Buula-Fooliyo, intaasi kadib waxaa la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, balse dhawaan ayeey ka soo ruqaansadeen, taasi oo Al-shabaab u sahashay in ay mar kale weeraraan.

Sidoo kale ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Tixsiile ee dulleedka degmada, kaddib markii ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dhowr qof oo yaallay goobta uu dagaalka ka dhacay, kuwaasi oo isugu jiray labada dhinac ee dagaalka uu dhexmaray.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday shacabka ku nool degmada Afgooye gaar ahaan dhalinta, kaddib markii 24 saac ee la soo dhaafay degmadaasi lagu dilay Saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dhalinyarada degmada halka midka kalena uu ahaa Askari.

Dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay Shabaab, labada dhalinyarada ah ayaa waxa ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada Nabad-sugida dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]