Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan
magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo socdaal dhulka ah ku maraya gobollada Mudug
iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu
sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.
Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-Mareeb ayaa qeyb ka ah
sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii
magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku sii qulqulayay wufuud kala duwan oo ka
tirsan dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka,
kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo ka qeyb qaadashada
heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana
wadooyinka waa weyn lagu daadiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda
federaalka iyo kuwa Galmudug, ciidamada ayaa xalay sameeyay howlgallo amni
xaqiijin ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan
yahay Galmudug waxaa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad
Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]