4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Feysal Cali Waraabe oo faah faahin ka bixiyay wiil uu dhalay oo lagu dilay Suuriya

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) –Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Wiil uu dhalay oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Sayid Xusseen ayaa ka tirsanaa Ururka ISIS ee ka dagaalama dalka Suuriya isaga oo heysatay dhalashada dalka Finland, waxaana la sheegay in uu la dhigtay koox kale oo saaxiibadii ahaa oo ay ka wada tirsanaayeen Daacish.

Wuxuu Suuuriya tagay sanadkii 2013-kii, kaddib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii tagay ee 2017 lagu dilay gudaha dalka Suuriya isaga oo ka tirsan kooxda ISIS.

Waxaa la joogay halkaa xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray ee ku saabsan Wiilkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]