4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Barakac iyo cabsi xoogan oo ka taagan degaanada u dhexeeya Laascaanood iyo Garoowe

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) – Degaanada Tukaraq, God-qaboobe iyo Falidhyaale ayaa waxaa ka bilaabmay barakac xoogleh oo soo wajahay dadkii magaalooyinkaas deganaa iyo dadkii reer guuraaga ahaa kadib markii ciidamada Somaliland iyo Puntland la soo dhoobay.

"Dadku waxay ka baqayaan in dagaal ka dhex bilaabma labada ciidan uu salfado dad iyo duunyaba, waxana qofwaliba uu aaday halka uu filaayo in uu ku badbaado" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Cabdi oo kusugan tuulada Falidhyaale oo ku dhowaad 60Km. galbeed ka xigta Garoowe Caasimada Puntland.

Dadka reer Guuraaga ah ayaa iyaguna u guurey dhulka buuraleyda ah ee koonfur kaga aadan degaanada ciidamada labada dhinac ka soo kala jeedaan Ku sugan yihiin iyagoo ka tegey degaanadii ay deganaayeen ee daaqsinta lahaa.

Ciidamada labada dhinac oo maalinkasta soo kordhaya ayaa isku dhereriyey dhul dhererkiisu gaadhayo 70Km. Oo Ku dhereran wadada Laamiga ah ee isku xidha Garoowe iyo Laascaanood.

Maamulka Somaliland waxay ku doodayaan in ay degaan ay u socdaan uu yahay Yoocada oo degaan haatan uu soo gaadhey dhismaha magaalada Garoowe, halkaas oo ah goobtii xadka u ahayd labadii dawladood ee gumaysanayey Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya.

Maamulka Puntland waxaa uu isaguna ku doodayaa in dadka iyo dalkuba yahay Puntland, waxaana Ku sugan madaxa dhaqanka ee degaanada lagu muransan yahay oo shir uga socdey Buurawadal, oo Garoowe 30Km. waqooyi ka xigta.

Dadka degaanada Sool iyo degaanada kale ee labada maamulba sheegtaan ayaa labada dhinacba siyaasiyiin ku leh waxaase Somaliland ka maqan madaxda dhaqanka Golohooda oo aaminsan maamul madaxbanaan in ay yeeshaan shirkeedana haatan in ay wadaan kadib markii maamulkii Khaatumo burbur ku yimid.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool