4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo siweyn loogu soo dhaweeyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wali ku guda-jira socdaal ay ku marayaan qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa siweyn halkaa uga soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Wasiiro, iyo Xildhibaano iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisii Puntland ku soo gabagabeeyay xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana hadda u bilaabanaya safar dhulka ah oo uu ku mari doono qaar ka mid ah deegaannada uu arimiyo maamulka Galmudug.

Ammaanka guud ahaan maamul goboleedka Galmudug ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo inta badan magaalooyinka Galmudug.

Magaalada Dhuusa-mareeb ee xaruta gobolka Gal-guduud ayaa siweyn looga dareemayaan qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana halkaa lagu soo dhameystiri doonaa heshiiskii ay horay u gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]