4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Kulan looga hadlayay saameynta abaaraha iyo sida looga gaashaamaan karo waxyeeladooda ayaa ka furmay Kismaayo


Axad, 14 Janaayo, 2018 (HOL) :- Ujeedka kulanka ayaa ahaa daraasaad lagu sameeynayo abaarihii ka dhacay dalka gaar ahaan gobollada Jubbaland intii u dhexeeysay 2016 – 2017, iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada reer Jubbaland, waxaana kulankan xog ururinta ah iska kaashaday wasaaradaha qorsheynta dowladda iyo tan dowlad goboleedka JUbblaand.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimeyaasha wasaaradaha Jubbaland, waxaana intii uu kulanka socday wasaaradaha laga dhageysanayay warbixinno ku saabsan saameynta abaarihii ku dhuftay deegaanada JUbbaland iyo xogaha ay ka hayaan.

Agasimaha Guud Ee Wasarada Qorsheynta Dowlad Goboledka Jubaland  Cabdi Waaxid Maxamed Dhaqane oo daahfuray kulanka ayaa sheegay in ay diyaar uu yihin in ay ka qeyb qaataan dadaallada ay waddo dowladda Soomaaliya ee la doonayo in looga gaashaanto waxyeelada ay geeysato abaarta xilliyada ay ku dhufato dalka.

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta qaranka C/qaadir Max’ed Aadan ayaa sheegay in kulankan uu qeyb ka yahay xog ururin iyo daraasad ay sameyneyso wasaaradda qorsheynta qaranka oo ku aadan in la ogaado waxyeelada abaaraha ku dhuftay dalka iyo weliba sida loo yareyn karo saameynta ay abaaruhu ku yeelan karaan mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.

Kulumadan ay wado wasaaradda ayaa looga gol leeyahay in la helo xog sugan oo ku aadan waxyeelada abaarta iyo sida loogu diyaargaroobi karo in laga hortago dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha xilliyada ay ku dhuftaan dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.