4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2018
Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay degmada Lamu

 

Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL) - Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa ka hadlay weerar ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamadooda oo halkaasi marayay.

Mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Kenya.

Mwenda Njoka, afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay qoryo culus inay ka dambeeyeen weerarka.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay halkaasi ka wadaan baaritaano iyo ka hortagista weeraro kale oo Al Shabaab ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraray ciidamada Kenya oo ku safray gobolka Waqooyi bari Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]