Xildhibaan Maxamed Nuur Shanbara oo ka soo qeybgalay shirweynaha shanta Shanbara
Isniin, Janaayo, 01, 2017 (HOL) - Qaar ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda
Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa shir ay kaga tashanayaan sidii ay dalkooda
maalgashi iyo dib u noqosho ugu samaysan lahayeen ku yeeshay magaalada Columbus
Ohio ee dalka Mareykanka.
Waxgarad ka kala yimid goboladda
Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa shirkan waxaana lagu marti qaaday oo dalka
Soomaaliya uga yimid Xildhibaan ka tirsan xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed,
Xildhibaan Maxamed Nuur Shanbara.
Dadkii soo abaabulay kulanan waxa ay
xanbaarsanaayeen fariin ku aadan madaxda qaranka iyo Madaxweynaha Jubbaland
Axmed Maxamed Islaan oo ay ka codsanayaan in dadka Baantuugu ay dhulkooda ka
qaxeen isla markaana ka midnoqodeen dadkii ay dagaaladu saameeyeen xiligana ay
u diyaarsanyihiin in ay qayb ka noqdaan isbadalka Soomaaliya.
Waxay codaseen in si muuqata looga qeybgaliyo
hanaanka dowladnimada Soomaaliya iyaga oo xusay in ay qeybka yihiin
xiligan balse ay dhaliilayaan wali oo ay u arkaan in halkii ay filayeen aan la
dhigin.
Xildhibaan Maxamed Nuur Shanbara oo
ka mid ah xildhibaanada laga soo xulay Kismaayo iyo Jubbada Hoose ayaa ka soo
qeybgalayaasha iyo agaasimkii shirkan ku amaanay sida ay uga go'antahay in ay
dalkoodii wax ka qabsadaan, waxa uuna uga warbixiyay halka ay maanta Soomaaliya
marayso iyo in wali la baxnaaninayo dowladnimada oo meel fog laga yimid.
Waxa uu xildhibaanku xusay in ay
jirto cabasho ka imaanaysa dadka ka soo jeeda Jubbooyinka gaar ahaan dadkii
Beeralayda ahaa oo dhulkoodii dhibaatadu saamaysay waxa uu amaanay in maamulka
Jubbaland ay wax un ka qabteen xaaladihii jiray walina ay wax badan
dhimanyihiin isaga oo gudbin doona fariimaha ay fareen.
Qurbajoogtii shirkan joogtay ayuu ka
codsaday in ay dalkii yimaadaan oo ay indhahooda wax ku soo arkaan isla
markaana ay dalka Maalgashi iyo dib u noqosho ku samaystaan.
Salaadiin,Nabadoono, Gudoomiyayaal
iyo qeybokale oo baddan kana tirsan bulshadan ayaa ka hadlay meesha waxayna ka
sinaayeen in ay helaan door muuqda oo ay ku yeeshaan siyaasada Dalka.
Waxaa soo badanaya qurba joogta dib
ugu laabanaysa dalka isla markana qeyb ka noqonaysa dib u dhiska iyo
siyaasadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]