4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2018
Ugaas lagu caleema saaray Gobolka Sool


Isniin, Janaayo, 01, 2017 (HOL) - Munaasibad lagu caleemasaarayey Ugaas Maxamuud Ugaas C/laahi Ciise ayaa lagu qabtay tuulada Buura-wadal oo 30Km. Dhinaca galbeed kaga quman magaalada Garoowe kana tirsan Gobolka Sool. 

Munaasibadan oo ay  ka soo  qaybgaleen Madax golayaasha dawlada Federaalka, maamulka Puntlan oo uu horkacayey madaxweyne ku  xigeenka, madax dhaqameed ka kala yimi degaano badan, waxgarad iyo dadweyne kala duwan ayaa lagu soon bandhigay goob dhaqameed bilihii lasoo dhaafay la diyaarinayey.

Qaar ka mid ah gudiga qaban qaabada Caleemasaarka ayaa ka dib caanashubka uga Mahad celiyey ergooyinka degaanada kala duwan ka yimi ee  soo ajiibey.

Madax dhaqameedka Sool  iyo Buuhoodle ayaa qaarkood hadalo soo  dhoweyn ah iyo taageero Ugaaska cusub ah halkaas ka soo jeediyey.

Madax dhaqameed ay  ka mid ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa hadalo qiima badan halkaas ka soo jeediyey una balance qaaday ugaaska cusub.

Madaxweynihii hore  ee  Puntland Xildhibaan C/raxmaan Fqroole iyo Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangeli oo iyana afka dawlada Federaalka ah ayaa muhiimada ugaaskan beelaha degaankan u leeyahay xusay Ugaaska cusubna ka dalbaday wadadii Aabihii in uu raaco.

Madaxweyne ku  xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in maamul ahaan at Ugaaska so buuxda ULA shaqayn doonaan.

Ugu danbayn Ugaas Maxamuud Ugaas C/laahi ayaa dadkii munaasibada joogey ka badnaa 2000 u balan  qaaday in daacadnimo inuu beeshiisa iyo bulshada Soomaaliyeedba.

"Waxaa lay saaray Xil and u culus iigu duceeya in ilaahay Cadaalada igu hanuuniyo" ayuu yidhi ugaasku, waxaanu raaciyey duck dheer uu bulshada Soomaaliyeed dawlad iyo nabad muhiimadeedu ahayd.

Madashan oo ahayd mid aad u Qurux badan laguna  xardhay agabka hidaha iyo dhaqanka oo at ka mid ahaayeen aqal Soomaaliyo iyo agabyadoodii haday tahay Surad, Gurgur iyo wixii la mid ah oo dadku mudo masquul ku  ahaayeen.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood