4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2018
Maxkamada ciidamada oo la horkeenay rag ku eedeysan Qaraxii Zoobe

 


Isniin, Janaayo, 01, 2017 (HOL) -Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dhageystay dacwad loo heysto rag lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen qaraxii lagu hoobtay ee 14,kii bishii Oktoobar Sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Raggaan Maanta dacwada loo heysto la dhageystay ayaa gaaraya ilaa 5 ruux mid kamid ah ayaa kamaqnaa maxkamada.

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay
2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah
3:-Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.
4:-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud
5:-Cabdul Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-shabaab islamarkaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka howlgasha Muqdisho masuulna ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha degmada Wadajir.

Dhageysi iyo dood kadib Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada eedeysanyaasha dib la’ isugu soo laaban doono Maalinta Khamiista ah oo ku beegan 4/1/2018.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]