4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2018
Dhalinyaro qurxin iyo dib u dayactir ka bilaabay goobaha Taariikhiga ee magaalada Beledweyne


Isniiin, Janaayo, 01, 2018 (HOL) –Dhalinyaro is xilqaatay ayaa maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Beledweyne ka waday Olale nadaafadeed iyo Dib u Dayactir lagu sameynayo goobaha Taariikhiga ee magaalada .

Faarax Max’uud Xiirane oo ka mid ah dhalinyaradan oo la baxday Hiil Deegaan ayaa sheegay in ujeedada ay arintan ka leeyihiin tahay in dhalinyaradu door ka qaataan hormarinta magaalada, isaga oo sheegay in Qurxin iyo Dib u hagaajin ku sameynayaan sida uu hadalka u dhigay labada Buundo ee magaalada.

Dhawaan ayeey sidan oo kale Olale nadaafadeed ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada gaar ahaan Isbitaalka weyn ee gobolka.

‘’Buundada Liqliqato waad Ogtihiin waa Buundo Taariikhi ah waa halkii Abawaankii Weynaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi uu sheegay in ay ku kulmeen Beerlula, marka waa sababta aan u dooranay in aan Qurxino’’ ayuu yiri Faarax Maxamuud Xiirsane.

Waxaa uu intaa ku darray in kaliya aysan aheyn Buundada Liqliqato balse u sii gudbin doonaan Buundada kale ee magaalada iyo guud ahaanba goobaha Taariikhiga ah.

‘’Buundo-Weyn ayaa taalaabada xigta qorshuhu yahay in ay dib u habeyn iyo Qurxin ku sameyno’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tallaabadan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne madaama ay noqoneyso markii ugu horeysay oo dhalinyaro iskood isku xilqaamay u kacaan wax ka qabashada nadaafada iyo dib u hagaajinta bilicda goobaha danta guud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]