4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2018
Wafdi Baladxaawo u tagay muranka ka taagan Soohdinta Kenya iyo Soomaaliya
Isniin, Janaayo,01, 2018 (HOL) – Wafdigan oo uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), islamarkaana uu qeyb ka ahaa madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka, wasiirro ka tirsan Jubbaland iyo agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Baladxaawo.

Madaxdan oo ka ambabaxay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho ayaa ka dagay degmada Doolow, ayagoo usii gudbay dhanka degmada Baladxaawo, halkaa oo ay maalmihii u danbeeyay ka taagnaayeen xiisado ka dhashay kadib markii dadka deegaanka ay ka mudaaharaadeen xad gudub ay sheegeen in Kenya ay ku sameeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka degmadaasi.

Masuuliyintan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyn doonaan muranka ka taagan soohdinta.

Wasiir arimaha gudaha dalka ayaa sheegay in ay Baladxaawo u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyaan xad gudbka la sheegay in Kenya ku sameeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa mudooyinkii u danbeeyay xeydaab ka dhiseeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana cabirka xeydaabka uu soo galay sida ay sheegeen dadka degmada Baladxaawo soohdinta dhanka Soomaaliya, gaar ahaan dhismayaashii hore ee dowliga ahaa ee ku yaallay Baladxaawo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.