4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2018
Madax ka tirsan dowladda oo ka qayb-galay xaflad loo qabtay arday ka qalin-jabisay Jaamacadda Horn of Africa
Isniin, Janaayo,01, 2018 (HOL) – 
Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 152–Arday oo dhamaystay waxbarashada Heerka 1-Aad ee Jaamacadda Horn of Africa ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay xubno katirsan labada Gole, sida Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Agaasimaha wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada Soomaaliya .

Waxaa kale oo xafladan ku sugnaa waalidiinta carruurtoodu ay qalin jabinayeen maanta, dareenka guudna wuxuu ahaa mid farxad badan .

Guddoomiyaha Jaamacada Horn-Of Africa Maxamed Osmaan Abasheikh ayaa sheegay in jaamacadu ay dedaal dheeraad ah ku bixisay sidii adeega waxbarasho ee ay bixiso u noqon lahaa mid tayaysan oo waafaqsan tayada jaamacadaha adduunka iyo xeerka u degsan dowladda ee ah in ardayga iyo aqoontiisu isku dhigmaan. “ Waxaa naga go’an inaan markasta hormarino waxbarashada, waxaana sidoo kale innagoo taasi ka duulayna samaynay fursado waxbarasho oo aan siinay carruurta aanay waalidkooda waxbarashada ka bixin karin”.ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo goobjoog ka ahaa munaasabadan wuxuu ku booriyay maamulka Jaamacadda iyo ardayduba waqtiga ay geliyeen waxbarashada, wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay bud-dhig u noqdaan dib u soo noolaynta waxbarashada wadanka “ka qaybqaata waxbarashada iyo sidii waxa aad barateen aad dalkiina iyo dadkiina ugu anfici lahaydeen “. ayuu tilmaamay dalka.

Ugu dambayn, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in dalkan uu u baahan yahay dhalinyaro da’yar oo dalkan wax u baratay islamarkaasna ka samatabixisa xaaladaha adag ee dalkennu wajahayo. “ Soomaaliya waxay u baahantahay dhalinyaro waxbaratay, islamarkasna waxbaratay , taas ayaan uga bixi karnaa xaaladaha adag ee wadankennu ku jiro , hubaal waxaa ah haddii dhanka wabarashada aan hormar ka samayno waa hubaal inaan guulaysan doono”.

Faysal M. Hassan
[email protected]