Isniin, Janaayo, 01, 2018 (HOL) -Wasiirka
Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka
cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo
shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.
Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda
Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada,
doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha
hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa
Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo
si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”
Dhanka kale,Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in
Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017,
iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga
ah.
“Horumarada la gaaray sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga,
Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka,
Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo G/Benaadir,
isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka,
ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka
bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan
baan ku guuleysanay 9kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),”
ayuu yiri Wasiir Yariisow.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]