4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2018
Booliiska Soomaaliya oo la barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarxa

 

Isniin, Janaayo, 01, 2018 (HOL) – Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”

Tababarka ayaa loogu tala-galay in lagu qalabeeyo saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo, sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Al-shabaab.

Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Argagixisada ay doorbideen in ay u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa-weyn iyo waliba in ay ku aasaan wadooyinka, taasi oo loo arko in ay tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad C/laahi, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs), islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.

”Waxaa ugu muhiimsan ay hadda barteen waa in loo diido kooxda Nabadiidka fursada lagana hortago iney sidaasi sameeyaan,iyadoo loo marayo si xeeladeysan,” Ayuu yiri Sarkaalka tababarkaan fulinaya.

Qarashka ku baxaya Tababarkaan oo ay bixineyso dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeega mashaariicda (UNOPS).

Tababaro nuucaani oo kale ayay Saraakiisha ciidamada Booliska AMISOM ku qabteen qaar ka mid ah maamul Goboleedyada sida Maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]