Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya : Keebka laga rido Nukliyeerka Miiskeyga ayuu saaran yahay
Isniin, Janaayo, 01, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha
Kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in dhamaan Mareykanka uu ku jiro imika
xeendaabka hubkiisa Niyukleerka .
Waxaa uu intaa ku daray in uu mar waliba keebka laga rido Niyukleerka uu
miiskiisa saaran yahay.
Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu
xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.
Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan
awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.
Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii
ammaankooda qalal la galiyo.
Xilli uu jeedinayay fariin telefashinka laga baahiyay oo sanadka cusub uu
ugu talagalay ayuu Kim Jong Un waxa uu sidoo kale carabak ku dhuftay hadal nabadeed
,waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Kuuriyada
Koonfureed.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha
Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang -taasi oo horey ay Kuuriyada
koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka
Kuuriya.
BBC