Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) - Qaar ka mid ah dadka ku nool degaanka
Marsabit ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaro badan oo
kunoolaa degaankaasi ay ku biireen Al-Shabaab todobaadyadii lasoo dhaafay.
Waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah culimadda degaanka ay ka qeyb qaateen in
dhalinyaraddaasi ay ku biiraan Al-shabaab.
Waaliddiinta carruurtooda ay ku biireen Al-shabaab ayaa warbaahinta u
sheegay todobaad kasta dhamaadkiisa ay Shan ka mid ah culimada degaanka
qabtaan muxaadarooyin carruurta lagu jecleysiiyo aragtida xagjirnimada
islamarkaana loogu biiriyo Al-shabaab,iyaga oo ka codsaday in dowladda wax
badan ka qabato arrintan.
Todobaadyadii ugu dambeeyay ayeey tilmaameen qaar ka mid ah dhalinyaradda
degaanka ay ku biireen Al-shabaab, iyadoo ay arkaayaan Waalidiintii dhalay.
Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro qorsheysan ka geysta degaanada ku yaalla
gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo sidoo kale Magaalo xeebeedyadda dalka
Kenya.
Waxaa sidoo kale jira dhalinyaro badan oo ku biiray Al-shabaab
kuwaasoo weerara Gudaha dalka kenya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]