Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) - Maxkamada
darrada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku riday
eedeysanayaal lala xiriirinayay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka
dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Maxkamada ayaa tan wixii ka danbeeyay Qaraxaasi ku howlaneyd baarista sidii
uu u dhacay Qaraxa iyo waliba dadkii ka danbeeyay waxaana ay ugu danbeyntii
riday xukunno isugu jira, dil, xabsi daa’in, xarig, iyo eedeysanayaasha qaar
oo la sii daayay kaddib markii wax danbi ah lagu waayay:
Maxkamada ayaa Xasan Aadan Isaaq Cali ku riday xukun dil toogasho ah.
C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.
C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.
Qaraxii Zoobe ayaa waxaa ku nafwaayay dad tiradooda kor u sii dhaaftay 500
oo ruux, waxaana la oran karaa waa Qaraxii ugu cuslaa ee sanadihii ugu
danbeeyay ka dhaca guud ahaan marka la eego caalamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]