Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta Shir Jaraa’id ku
qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha canshuur qaadista sanadkii
tegay iyo kan hadda iyo qaabka cusub ee wasaaraddu soo kordhisay.
Wasiir Bayle ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay wasaarada maaliyada ay
dadaal dheer u gashay in hay’ado aan ka tirsanayn wasaaradda ay ku guuleysatay
in ay la soo wareegto.
“Cid kasta oo qaadeysa tallaabo maaliyadeed ayaa wasaarada u suuragashay in
ay xafiisyadooda kala socdaan,sidoo kalena dhammaan cidkasta oo ka mid ah
Shaqaalaha Dowladda ay mushaarkeeda bil walba ay helaan.”ayuu yiri wasiirka
Maaliyada.
Sidoo kale wasiirka Maaliyada ayaa ka hadlay canshuuraha lagu soo rogey
goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho iyo dekeda Muqdisho oo uu ka hadlay.
“Dekedda Muqdisho waa mid weyn oo daqli badan ka soo gala dalka,mashaariic
badana waxaa laga fuliyay magaalada Muqdisho marka lamid ma ahan dekedaha kale
ee ku yaal gobolada dalka.”ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale sheegay in canshuurta cusub ee dhawaan
wasaaraddu ku soo rogtay Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha,
Xawaaladaha , Biyaha iyo Hoteellada.
Waxaa uu sheegay wasiirka in ay la shireen Milkiilayaasha maqaayadaha,hoteelada
iyo ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo Hoteellada ayna isla garteen in si
wadajir ah ay ula socdaan lacagta la qaadayo halka ay ku baxeyso si Soomaaliya
ay isugu filnaato.
Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in lacag Shillin
Soomaali ah ay sameeyaan balse ay ku horgudban yihiin shuruudo faro badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]