Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Inta la
xaqiijiyay 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray Meydadkooda badda
xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska
la ah Moroko.
Kooxda Gurmadka deg deg ah dalka Moroko ayaa soo saaray meydadka kaddib
markii dooni ay saarnaayeen Muhaajiriin ay ku degtay badda.
Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay badankooda ay
kasoo jeeddaan Qaaradda Afrika.
Wargeys kasoo baxa dalka Spain ayaa qoray in meydadka muhaajiriintaan laga
helay iyaga oo dul sabeynaya xeebta Melilla.
Tirada rasmiga ah ee meydadka ayaanan wali si dhab ah loo xaqiijin.
Kooxaha samatabixinta ee dalka Spain ayaa iyaguna dib u bilaabay howlaha
lagu baadigoobayo meydadka dheeraad ah subaxnimadii Axada.
Ilaa iyo sanadkaan 2018, dalka Spain waxa uu ahaa halka ugu muhiimsan ee ay
kasoo galaaan qaxootiga dhaqaala doonka ah ee soo gaaraya Yurub.
Gobolkaan Melilla, ayaa ah goobta ugu weyn ee muhaajiriinta shaqa doonka ah
ama magangalya doonka ay uga gudbaan dalalka Yurub.
Melila iyo degaanka kale ee Ceuta ayaa ah dhulka keliya ee xadka la leh
Afrika oo ku yaalla Spain, halkaasi oo muhaajiriintu ay uga gubdaan Yurub.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]