4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2018
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo 24 suxufi oo warbaahinta ka hadlay Anshax marin ku sameeyey

 

Arbaco, Feberaayo 28,2018  (HOL)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri barwaaqo ayaa 24 wariye shaqaddii ka joojiyey muddo saddex bilood ah ka dib markii warbaahinta ka hadleen oo ay cabasho ay ka qabeen masuuliyiinta wasaarada ka hadleen.

24 wariye ayaa dhaliilay qaabka xilal ay ka hayeen wasaaradda looga qaaday, waxaanay sheegeen in qaabka xilka looga qaaday aanu sharcigu waafaqsanayn,isla markaana koox gaar ahi wasiirka majaro habaabiyeen.

Masuuliyiintan xilka laga qaaday ayaa kala ahaa Agaasimihii wararka ee Telefishanka Qaranka, agaasimihii barnaamijyadda ee Telifishanka, agaasimihii shaqaalaha iyo wariyeyaal la dareen qabay oo iyaguna warbaahinta ka sheegay dhaliilo dul hoganaya wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa sheegay in go’aankan gaadhay ka dib markii ay jabiyeen sharciga shaqaalaha oo aan ogolayn inay warbaahinta ka sheegaan cabashadoodda iyo in ay diideen in qof qof ula kulmaan wasiirka si loo ogaaday waxay ka cabanayaan, taasina ay keentay in muddo sadex bilood ah aanay shaqadda iman oo wax mushahar ahna aanay qaadan.

Maalmihii u dambeeyey ayaa khilaaf xoogani ka jiray wasaaradda warfaafinta ka dib markii isku shaandheyn lagu sameeyey waaxihii wasaaradda.

 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.