4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Hub iyo Walxaha Qarxa oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) – Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay hub iyo walxaha Qarxa oo lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Ciidamada dowladda Soomaaliya Aroornimadii oo saakay howlgal ka sameeyay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne ayaa soo qabtay hub iyo walxaha qarxa, sidoo kale waxaa ay ciidamadu soo xireen dad la tuhusan yahay.

Daawo shirka jaraa'id ee taliyaha ciidamada Booliiska 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected].