4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Wasiir Beyle : Saameyn Adag ayuu nagu yeeshay khilaafka Canshuurta

 

Arbaco, Feberaayo,28,2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saameyn adag ka dowlad ahaan uu ku yeeshay muranka ka dhashay bixinta canshuurta.

Wuxuu sheegay Wasiirka in bishan Feberaayo Wasaaradda soo xareynin Dakhli badan balse ay meelmariyeen bixinta mishaaraadka.

''Murankaa iyo Khilaafka ka dhashay dhinaca canshuuraha waxaa ay sababeen in bishan Dakhli badan soo xareynin Wasaaradda Maaliyada, laakiin haddana waxaan ku talagalsannahay in aan bixinno mishaaraadka intoodii badneydna waan saxiixay'' ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in canshuurta gedista ee 5% dowladdu xaq u leedahay in ay qaado, isaga oo ku booriyay ganacsatada in ay canshuurta ku waajibtay iska bixiyaan.

''Wada hadallo ayaa wali arintan nooga socda, qof kasta iyo goob ganacsi kasta in ay canshuurta bixiso waayaan, haddii kale waa in wadanka leysaga tago'' ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Mar uu ka hadlayay xifaaltanka ka dhaxeeya Wasaaradda iyo ganacsatada ayuu yiri'' xifaaltanka naga  waa jiri karaa, laakiin heshiis ayaa ahaan doonaa, side dalkaan ku dhismi karaa oo duruufaha jira la isla garto, labo wadan oo wada hadal ku jira ma nihin, waa la doodayaa, dad isku mid ayaa nahay ganacsatada fahamkooda waa wanaagsan yahay, heshiis baan gaarnayā€¯ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wali muuqda kuwo ka biyo diidan go'aanka Wasaaradda Maaliyada halka dhinaca kale Wasaaraddu ku adkeysaneyso in leyska bixiyo Canshuurta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].