4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Dowladda Kenya oo sheegtay in 23 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa ku dileen gobolka Gedo

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) - Howlgalo militari oo wada jir isaga kaashadeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayeey saraakiisha Kenya sheegeen in lagu dilay ilaa 23 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanka Faafax-Dhuun ee gobolka Gedo.

Warkan oo lagu daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegay in howlgalkan wadajirka ah lagu dilay xoogagga ka tirsan Al-shabaab.

Weerarkan ayaa waxaa uu daba socday weearar kale oo Al-shabaab ay waddada ugu galeen kolonya ka mid ahaa  ciidamda Kenya ah ee ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkan oo socday muddo ku dhawaad afar saacadood ah ayaa waxaa la isu adeegsaday hubka culus Kenya ayaa sheegatay in ay dileen 23 Al-shabaab ka tirsan balse dhankooda ma aysan caddeyn khasaaraha kasoo gaaray dagaalkan .

Ilaa iyo hadda Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin weerarkan la sheegay in lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].