4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2018
Booliska UK oo qabtay nin isku dayay in uu dilo Gabar Soomaali ah

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) - Saariisha Booliiska magaalada Leicester City ee UK waxaa ay gacanta ku dhigeen nin magaciisa lagu sheegay Moore oo doonaayay in uu dilo Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah Soomaalida kunool halkaasi.

Ciidamada Booliska waxaa ay sheegeen in uu watay gaari noociisa yahay kuwa raaxadda, waxaana uu  isku dayay in uu jiirsiiyo Gabar Soomaali ah oo waddada mareysay.

Moore ayaa kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla magaaladaasi iyada oo marqaatiyada degaanka ay sheegeen in Moore uu isku dayay in uu dilo Gabar Soomaali ah.

Booliska waxa ay sheegeen gaariga uu watay  in ay saarnaayeen afar qof,isaga oo intii uu falkaasi waday uu u diiday in ay gaariga ka deegaan, booliska waxa ay sheegayaan in ay shaki weyn ka qabaan ninkaan.

Maxkamadeynta ninkan ayaa ka sii soconeysa Magaaladaas iyada oo la filayo in ay xukun ka soo saarto fal dambiyeedka uu Moore kula kacay Gabadha.

Dalka Ingariiska ayaa inta badan lagu waxyeeleeyaa Soomaalida, waxaana todobaadkii hore lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].