4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna oo leysku dhafayo

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Dhuusa-Mareeb u tagay isku dhafka ciidamada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Socdaalka Xaaf iy Dhuusa-Mareeb ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii Galmudug iyo Ahlu Sunna isku biireen, iyadoo bishii hore isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla tageen oo ahaa safarkii Madaxweynaha ee gobollada dalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Dhuusa-mareeb Madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan iyo xubno ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xaaf ayaa ku howlan dardaringalinta barnaamijka isku dhafka ciidamada maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna, iyadoo dhinaca kalana leyku biirinayo baarlamaan.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyay in ay ku midoobaan hal maamul, iyadoo la soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
.