4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Mareykankan oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) – Ciidamada militariga dalka Mareykanka ayaa waxaa ayaa sheegay in ay duqen ku dileen 26-kii bishsan Talaadadii ina dhaaftay ka dhacday meel ku dhow degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe in ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan lala beegsaday fariisin Al-shabaab ay lahaayeen, intii howlgalkan uu socdayna aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah.

Saraakiisha ciidamada Mareynkanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si looga guuleysto ururka Al-shabaab.

Weerarradan Jubbooyinka ay ka geysanayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa u muuqda kuwo joogta ah, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
.