4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Kenya oo ciidamo ku xoojineysa Amaanka xudduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo,28,2018 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kaddib weerarro laga cabsi qabo in Al-shabaab ay geystaan.

Wasiirka Amniga Kenya oo booqday gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa socdaalkiisa waxaa uu la xiriiray u kuurgalida xaaladaha amniga gaar ahaan degmada Wajeer.

Wasiirka oo saraakiisha ammaanka kula hadlay gobolka ayaa ku amray in ay gacan bir ah ku qabtaan sugidda amniga, cidii shaqada dayacdana lala tiigsan doono maxkamad oo ay la kulmi doonto ciqaab.

“Waxaan ku soo kordhineynaa gobolka Waqooyi Bari ciidamo ku filan gaar ahaan dhanka wajeer, laakiin waxaan idin leeyahay amniga rasaas laguma sugi karo ee waa in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada” ayuu yiri wasiirka amniga.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in tababar loo soo xiray qaar ka tirsan dadka ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari, kuwaasi oo Askarnimo loo tababaray si ay ula dagaalamaan xoogagga Al-shabaab ee weerarrada ka geysta gobolka.

Bartamihii bishan weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay ku dileen saddex macalin, xilligaasi wixii ka dambeeyay macalimiinta ayaa bilaabay in ay u qaxaan magaalada Nairobi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
.