4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Trump oo ku dhawaaqay ololihiisa doorashada 2020-ka

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayay u egtahay in uu durba bilaabay ololihiisa doorashada sanadka 2020-ka, wuxuuna magacaabay agaasimaha doorashadaas.

Waxaa xilkan agaasimaha ololaha doorashada Trump 2020-ka loo magacaabay Brad Parscale oo horey uga tirsanaa shirkadda Trump, hawlo badane ka qabtay ololihii 2016-kii.

Waxaa la sheegay in Trump uu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka haya oo 3 sano ka hor muddo xileedkiisa ay ka dhimantahay ku dhawaaqay in uu yahay musharax.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Eric Trump ayaa sheegay in Brad uu yahay qof ku habboon xilka loo magacaabay, wuxuuna sheegay in uu heysto kalsoonida qoyska reer Trump oo dhan.

Sida ay kusoo waramayso wariyaha BBC-da Tara McKelyey, Brad waa nin jecel faanka, iyo in isaga la hadal hayo, haddane ay u muuqato in uu qabtay xilkii usoo jiidi lahaa dareenka dadweynaha iyo kan warbaahintaba, waxaana la dhawri doonaa talaabooyinka uu qaadi doono.

Waxyaabaha yar ee laga ogyahay ninkan ayaa waxaa ka mid ah in sanadkii hore uu ka mid ahaa dad ay su’aalo weeydiiyeen xildhibaanada Aqalka Congress-ka arrimo la xiriira fadeexada Ruushka ee farogalinta doorashada.

Ololihii sanadkii 2016-kii, waxa uu ka mid ahaa dadkii maamulayay baraha bulshada, wuxuuna barnaamijka 60 minutes ee ka baxa taleefishinka CBS u sheegay in uu maalin kasta samayn jiray illaa 60,000 xayaysiimo ah oo xagga Facebook ah si war loo gaarsiiyo taageerayaasha Trump.

Shirkadda uu leeyahay ee Giles-Parscale ayaa la sheegay in ay Trump u qortay qaansheeg dhan $94 milyan oo doolar oo ay ugu qabatay adeeg xagga baraha bulshada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
.