4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2018
Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan

 

Arbaco, Feberaayo, 28, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal culus subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan oo bilowday Aroortii hore ee saakay ayaa socday saacado dhower ah, wuxuuna dagaalka yimid kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay weerarreen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Moqokori islamarkana kana saareen xoogagga Al-shabaab.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
.