4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Dowladda iyo AMISOM oo ka wada hadlay iska horimaadkii KM4

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa si wadajir ah uga hadlay isku dhicii Jimcihii dhexmaray Ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiiru-Dowlaha amniga, taliyeyaasha hay’adda Nabad Sugida iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faransisco Madera oo ay wehliyaan Taliyaasha Booliska iyo militariga ee AMISOM.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in guddi ay u saareen baaritaanka dhacdadii 23-kii bishan ka dhacday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu isku dhac ku dhexmaray ciidamada Nabad-sugidda Qaranka iyo kolanyo AMISOM ah.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambaasadoor Francisco Madera oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay AMISOM ahaan in ay ka xun yihiin kana shaleynayaan dhacdadii Jimcihii ay ciidamadoodu ku dileen Askari ka tirsan ciidamada NISA labo kalana ay ku dhaawaceen sidoo kalana ay dhibaato kale ka soo gaartay dad shacab ah.

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka caddeeyo iyada oo ay garbaheyga taagan yihiin Taliyaheyga millatariga, kan Boliiska iyo saaxiibada nagala shaqeeya ammaanka iyo Siyaasadda in ciidamada Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan NISA iyo Xoogga dalka iyo qeybaha kale ciidamada ee hoostaga Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha gudaha in ay yihiin hal oo ay leeyihiin hal ujeedo”ayuu yiri Francisco Madera.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa intaas raaciyey in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan baaritaanka dhacdadaas lagu sameynayo, dhinaca kalana waxa uu sheegay in ay sii xoojin doonaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].