4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Safiirka Turkiga oo gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) –Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar   ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana safiirka ku soo dhoweeyay degmada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug.

Safiirka dowladda Turkiga ayaa booqday xarumo dhowr ah sidda goobta laga dhisaayo Dekedda degmada Hobyo.

Dowladda Turkiga ayaa sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa in dowladda Turkiga ay Mashaariic ka hirgaliso degmada Hobyo

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan hormarinta magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo oo ah meel taariikhi iyo istiraatiiji ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected].