4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Faafax -Dhuun ee gobolka Gedo

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) - Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen maanta ciidamo kuwa dowladda ah oo howlgal ku jiray, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xusseen Al-Qaaddi.

Guddoomiye ku-xigeenka oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen Shan ka tirsan xoogagga Al-shabaab, laakiin ma uusan sheegin dhinacooda wax khasaare ah oo soo gaaray.

''Ciidamada oo ku jira howlgal Roondo ah ayaa weerar waxaa ku soo qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, ciidamadu waa ay iska caabiyeen waxaa ay halkaa ku dileen Shan ka tirsan Al-shabaab'' ayuu yiri Al-Qaadi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu qaatay wax ka badan Afar Saacadood oo dhicyadu isku adeegsadeen hubka culus.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada Koonfurta Soomaaliya oo ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]