4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Xukuumadda Somaliland oo joojisay xaflad maanta ka dhici lahayd hoteel ku yaalla magaaladda Hargeysa

 

Talaado, Feberaayo 27,2018  (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta joojisay munaasibad ay xilalka kula  kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee wargeysyadda dawladda ee Dawan iyo gudoomiyaha cusub, taasi oo ka dhici lahayd hoteel ku yaalla magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan ka dhacaysay hoteelka ayaa gabi ahaanba la joojiyey, iyadoo lagu amray masuuliyiintii hawshadatay in wasaaradda warfaafinta lagu qabto xafladoodda.

Amarkan ayaa hore uga soo baxay madaxtooyadda, iyadoo lagu amray in hay’adaha dawladdu munaasibado ku qabsan Karin hoteelada gaarka loo leeyahay ee hay’ad waliba xarunteeda ku qabsato, haseyeeshee gudoomiyihii xilka wareejinayey Sayid Mire ayaa sheegay in uu isagu jeebkiisa ka bixinayey kharashka ku baxaya xil wareejinta oo aanay ku bixinayn kharasha dawladda, isagoo amarkaasi munaasibada lagu joojinayey u arka mid khalad ah.

Gudoomiyihii hore wargeysyada Dawan Maxamed Cismaan Mire Sayid oo munaasibadaasi laga joojiyey ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaa baaqatay xil wareejintii aniga iyo gudoomiyaha cusub ee wargeysyada Dawan loo soo magacaabay ay baaqatay, oo la joojiyay, saaka ayay wasiiradu igu wargaliyeen in uu jiro amar ka soo baxay madaxweynaha Qaranka Somaliland laguna sheegayo in xafladaha xil wareejinta ah ee hay’addaha xukuumada lagu qaban karin Huteelada gaarka loo leeyahay, ee lagu qabto kaliya xarumaha dawlada”

Gudoomiye Sayid Mire ayaa intaasi ku daray “Arrintaasi aniga laf ahaanteydu waan ogaa hase ahaate aniga iyo wasiirkayaguba waxaanu u heysanay in go’aankaasi yahay mid looga dan leeyahay, in lagu yareeyo dhaqaalaha ku baxa xafladaha ee lagu qabto Huteelada, markaa maadaama xafladayadu ay gaar aheyd oo aanu anagu iska bixineynay kharashaadka oo aan wax dhaqaale ahin xukuumadda talada dalka heysa kaga baxeyn, waxaanu is laheyn waa ay ka duwan tahay xafladaha la joojiyay, maadaama sababta loo joojiyay ay tahay dhinaca dhaqaalaha, qaban-qaabadii xafladayadana masuuliyiinta wasaaradayada oo dhami waa ay isla ogeyd, waananu ka wada tashaney, waananu ka wada hadalay qodobkaa laf ahaantiisa oo aanay aheyn munaasibad xukuumadda dhaqaale kaga baxayo, taasi ayaa markii horena leygu fasaxay inaan xaflada halkan ku qabto”

Gudoomiyihii xilka wareejinayey ayaa sheegay in maalinta khamiista uu xilka ku wareejin doono xarunta wasaaradda warfaafinta.

Xukuumadan cusub ayaa sheegtay in wasaaradaha dawladda ay ka mamnuuceen inay xaflado ku qabsadaan hoteeladda iyadoo taasina lagu tilmaamay mid lagu yaraynayo kharashaadka dhaqaale ee ku baxa iyo mid lagu habaynayo nidaamka dawladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.