Talaado,
Feberaayo, 27, 2018 (HOL) -- Kaddib dacwad muddo dheerba soo soctay oo u
dhaxeysay xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee
baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayeey ugu danbeyntii go'aan ka gaartay
maxkamada sare ee Kenya.
Maxkamada
sare ee Nairobi ayaa ugu danbeyntii u xukuntay Aadan Barre Ducaale oo ah
guddoomiyaha Aqlabiyada baarlamaanka guusha doorashadii ka dhacday Gaarisa ee
lagu soo doortay Aadan Barre.
Maxkamadda ayaa sharci ku tilmaamtay doorashada kursigan, waxaana Faarax
Macalin ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan 6 milyan oo lacagta Kenya ah oo qeyb
ka mid ah la siinayo Aadan Ducaale, halka qeybta kale la siinayo Guddigii
doorashada ee baaritaanka waday.
Faarax Macalin ayaa sheegay in uu xushmeynayo Maxkamadda, hase ahaatee
go’aanka uu ahaa mid qalad ah, islamarkaana uu racfaan ka qaadanayo.
Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa aheyd kuwii ugu adkaa,
waxaana wali Maxkamadda yaala dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii
doorashooyinka deegaanada gobolka waqooyi bari Kenya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]