4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Wasiirro ka tirsan Jubbaland oo Mashaariic horumarineed ka daahfuraya Baardheere
Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) -Wafdi ka koobnaa wasiiradda amniga, arimaha gudaha iyo Warfaafinta Jubbaland ayaa gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo halkaa oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka degmada Baardheere.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sheegay in ujeedooyinka ay u tageen Baardheere ay tahay daahfurka mashaariicda lagu horumarinyo magaalada Baardheere oo laga hirgeliyay halkaasi.

“Waxaan u aadnay Baardheere in aan daahfurno mashaariic ay kamid yihiin, Biyo xireen laga hirgeliyay Baardheere, buundo macmal ah oo la dhisay iyo mashaariic kale oo Dhanka waxbarashada ah,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu intaa ku daray in mudada ay joogaan Baardheere ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi, kuwaa oo ay ka xog wareeysan doonaan baahiyaha bulshada deegaanka.

Magaalada Baardheere ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ee kasoo kabanaya dhibaatooyinkii ay dhaxalsiiyeen dagaallada sokeeye, ayadoo magaaladu ay ka soconayaan howlo dib loogu dhisayo xarumihii hore ee dowliga ahaa iyo kuwa adeegga bulshada ee ku burburay dagaallada sokeeye.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.