4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Rag hubeysan oo toogasho ka geysatay dulleedka magaalada Muqdisho

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya deegaanka Sarkuusta ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fiidnimadii xalay kooxo hubeysan ku toogteen Nin halkaa goob ganacsi ku lahaa.

Marxuumka toogashada lagu dilay ayaa la sheegay in lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Kaahiye (Shangaani) wuxuuna dukaan yar ku lahaa degaankaasi Sarkuusta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Laba Nin in ay u soo istaageen dukaanka, kadibna ay wax ka iibsadeen iyadoo mid ka mid ah raggii wax ka iibsaday uu bistoolad ula soo baxay, kadibna uu ku dhuftay.

Ma cada ilaa iyo hadda sababtay toogashadan keentay, inkastoo warar aan la xaqiijin oo soo baxaya sheegayaan in Ninkani uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada.

Al-shabaab ayaa horey sidan oo kale toogasho ugu geysatay qeybo ka mid ah dalka xubno ka tirsnaa Ergadii soo dooratay xildhibaannada baarlamaanka xiligan ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]