4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Uganda oo martigalin doonta shir ay ka qeybgalayaan madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) – Dowladda Uganda ayaa 2-da bisha March ee soo socota marti gelin doona shir gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee howl galka Midowga Afrika (AMISOM).

Kulanka ayaa daba socda shir bishii September ee sanadkii 2017 ka dhinac furmay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhacay New York, kaasoo uu marti geliyay Madaxweyne Museveni.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegeysa in shirka dhacaya 2-da bisha March looga hadli doono is dhaafsiga fikradaha ku aadan xaalada Soomaaliya iyo mustaqbalka howl galka AMISOM oo 10 sano jirsaday.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii hore ogolaaday qaraar lagu dhimayo Ciidamada AMISOM, iyadoo bisha soo socota la filayo in qeybtii u horeysay ee Ciidamo AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Shirka ka dhacaya Kampala ayaa looga hadli doonaa xaalada Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saari doono doorka AMISOM iyo sida loo sii wadi karo, qorshaha kala guurka iyo maalgelinta Ciidamada AMISOM.

Wakiilo ka socda Midowga Afrika, Xogheynta Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Ururada Gobolka, shan xubnood oo ka socda Guddiga Joogtada ee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan shirkan.

Waxaa jiri doona shirar horudhac ah oo ay yeelan doonaan Wasiirada difaaca, Arrimaha Dibadda ee dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaa kaloo dhici doona shirar ay qaadanayaan Taliyeyaasha Ciidamada.

Howl galka AMISOM ayaa wajahaya dhaliilo la xiriira in aanay wali soo afjarin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ay wali muuqato qatarta Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo ka geysanaya magaalada Muqdisho iyo meelo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]