Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) – Go’aankan
ayaa yimid kaddib markii Ruushka
uu diidmada qayaxan kala hor yimid qaraar qabyo-qoyaal ahaa oo ay soo jeedisay
dowladda Britain, kaa oo si gooni ah farta ugu fiiqayay dowladda Iiraan in ay
jebisay cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogtay dalkaasi
Yaman.
Xukuumadda Moscow ayaa intaa kaddib soo gudbisay qaraar qabyo-qoraal ah oo
markii dambe dhammaan 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ay aqlabiyad ku meel
mariyeen.
Qaraarka qabyo-qoyaal ahi ee ay soo jeedisay dowladda Britain ayaa walaac ka
muujinayay in Iiraan ay ku xad gudubtay cunaqabatayntii dhanka hubka ee
dalkaasi lagu soo rogay sanadkii 2015, iyadoo sida la sheegay ku guul
dareysatay in ay ka hortagto shixnadaha hubka ahi ee sida gantaalada riddada
dhexe iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku wajahan dhulka ay maamulaan
maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
Balse Ruushka ayaa arrintaasi ku
gacan seyray waxa uuna safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey Vassily
Nebenzia sheegay in xukuumaddiisu aysan marnaba aqbali karin hindisaha Britain.
Britain waxaa qaraarkaasi kala soo shaqeeyay waddamada Faransiiska iyo
Mareykanka.
Tallaabadaasi Ruushka ayaa loo arkaa in ay dharbaaxo weyn ku tahay
dedaallada reer galbeedka ay ku doonayaan in ay Iiraan kula xisaabsatamaan
taageerada ay siiso fallaagada Xuutiyiinta Yaman ee dagaalka kula jira dowladda
caalamka uu aqoonsan yahay ee Yaman iyo xulufadeeda uu Sucuudiga hoggaamiyo.
Ruushku waxa uu sidoo kale ku gacan seyray warbixin ay Qaramada Midoobey soo
saartay oo lagu sheegay in gantaalada Xuutiyiinta ay sanadkii hore ku ridayeen
Sucuudiga lagu sameeyay gudaha dalka Iiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]