4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Ramaphosa oo magacaabay golaha wasiirada Koonfur Afrika

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa magacaabay golahiisa cusub ee wasiirada, toban maalmood uun kaddib amrkii uu xukunka dalka kala wareegay Jacob Zuma.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Nhlanhla Nene oo kal hore uu xilka ka qaaday madaxweyne Jacob Zuma ayaa hadda mar kale xilkaasi loo soo magacaabay.

Dhawr wasiir oo hore oo daacad u ahaa madaxweynihii hore Jacob Zuma ayaa qaarna xilka laga qaaday qaarna loo dhiibay xilal ka daraja hooseeya kuwii ay markii hore hayeen.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay in uu doonayo in uu isu dheeli tiro baahida loo qabo in shaqada dowladda ay sii socoto iyo in dib loo soo cusbooneysiiyo kabashada dhaqaalaha dalkaasi Koonfur Africa.

Xigashada Warkan : BBC