4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo ku sugan dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadan doonta.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa goroonka diyaaradaha magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Xasan Cali kheyre ayaa Booqsho labo maalin ah halkaasi ugu bilaabatay, isagoo inta uu joogo wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono madaxda dalka Iskutaga Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadli doono Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirta xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]