9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2018
Guddiga Amniga ee Baarlamaanka oo baaq u diray Wasaaradda Gaashaandhigga

 

Talaado, Feberaayo, 27, 2018 (HOL) - Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay in Baarlamaanka ay horkeento sharciga xaqsiinta ciidamada.

Guddiga ayaa sheegay in Wasaaradda looga baahan yahay in si deg deg ah Baarlamaanka ay u horkeento sharciga xaqsiinta ciidamada maadaama sida uu sheegay yahay sharci muhiim u ah ciidamada qalabka sida.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah guddiga Amniga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in sharcigan uu xaq badan siinayo Ciidamada.

Waxaa uu tilmaamay in ciidamada qalabka sida ay xaalado adag ku soo shaqeeyeen loona baahan yahay in la joogteeyo xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin.

Shalay ayay ahayd markii Guddiga amniga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ay la kulmeen Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Maxamed Mursal iyo Saraakiil ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]