Ciilmooge oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland
Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) – Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo horay u
soo noqday Wasiirka duulista Hawada Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka
Kenya uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha
Soomaaliya.
Cabdullaahi Ciilmooge ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka wadey magaalada
Muqdisho iyo Nairobi kulamo iyo shirar ka dhan ah maamulka uu hogaamiyo Axmed
Madoobe ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland
sanadka 2019ka.
Kulan magaalada Nairobi uu kula yeeshay waxgarad, odayaal iyo aqoonyahanada
ka soo jeeda Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay u baahan tahay in xilligan
uu ka dhaco is bedel la taaban karo.
Waxaa uu ugu baaqay hoggaanka hada jira in ay ogolaadaan in lala
tartami, si hadii laga guuleysto loola
shaqeeyo, hadii laga guuleystana fikir cusub oo wax dhisaya deegaanka lagu soo
kordhiyo.
Madaxweynaha xiligan ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa mar kale u muuqda
shaqsi doonaya in uu sii adkeysto xilkiisa, inkastoo ay jiraan siyaasiyiin iyo
waxgarad ka soo jeeda Jubbaland oo horkacayo olalahan isbadal doonka.
Jubbaland ayaa ah deegaan dhaqaale ahaa marka la
eego isku filan, magaalada Kismaayo ayaa leh deked ay ka socdaan howlo ganacsi
oo baaxad leh marka laga soo tago Muqdisho iyo Boosaaso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]