4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Darawal Mooto Bajaaaj kula baxsaday Gabar Shan jir ah

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) – Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah darawalada Mooto Bajaajta oo la baxaday gabar shan Sano jir ah sida uu Hiiraan Online u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan.

Gabadhan oo ay wada socdeen Abaheed ayeey u suur-tagashay darawalka in uu la baxsado gabadha yar kaddib markii uu Odeyga isku dayay in uu lacagta siiyo kaddib markii uu soo gaarsiiyay goobtii ay ku socdeen, hasse ahaatee inta uusan lacagta bixin Odeyga Darawalkii wadey Mootada si deg deg ah ula dhaqaaqay gabadha oo wali saaran gaariga.

‘’Abaare saacadu marey aheyd 6:00PM Maqribnimo xiligii Salaada ayeey u suur-tagashay ciidamada Amniga in ay muddo gaab ku soo qabtaan darawalka iyo Gabadhii uu la baxsaday Agagaarka Ceel-Gaab, waxaana hadda gacanta ku haya laamaha Amniga’’ ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Amniga’’ Cabdicasiis Xildhibaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa beryahaan ku soo badanaya falalka kufsiga ah ee lagula kaco dumarka, waxaana degmooyinka ugu badan ee kiiska kufsiga uu ka dhaco ka mid ah dagmooyinka Kaaraan, Kaxda iyo Madiina sida ay HOL u sheegeen hay'adaha baara falalka kufsiga ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]