4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhaw u anbabaxay Imaaraadka Carabta

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Madaxda Imaaraadka Carabta, waxaana bil ka hor magaalada Davos ee dalka Switzerland isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmi doona Madaxda Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, waxaana dhowaan Madaxweyne Farmaajo, La Taliyihiisa Amniga iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay la kulmeen Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirataa xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya wadamada Caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]