4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
DAAWO: Xildhibaan Aadan Barre Ducaale Dowladda Farmaajo iyo Khayre lagama mucaaradi karo Kenya
Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL)-Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan baarlamanka aqalka hoose ee dalka Kenya oo khudbad ka jeediyay Munaasbad qalinjabin ah oo ka dhacay Nairobi ayaa sheegay in dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyata uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, sidaa darteed aysan dowladda Kenya ogoleyn in siyaasiyiin kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya ay ku shiraan Kenya.

Waxa uu sheegay in Kenya aysan dooneyn in loo arko in ay tahay dal laga burburiyo dowlad Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Muuqaalka;


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.