4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Waxbarashada degmada Buula-burte oo aad u liidata


Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Waxaa aad u liidata xaalada waxbarashada dagmada Buulo- burte ee Gobolka Hiiraan kaddib mudo dheer oo ay go' doonsan tahay dagmada.

Qaar ka mid ah iskuulada ay wax ku bartaan Carruurta Buulo-Burte ayaa aad u bur bursan halka kuwa qaarna ay yihiin kuwa ka sameysay Mardhis kuwaas oo aan celin karin kuleylka cad ceeda maalintii.

Dugsiga Hoose Dhaxe ee Actoobar waxaa uu ku yalaa dagmada Buula-burte waxaana wax ka barto in kabadan 400 oo Arday kuwaas oo ka mid ah qoysaska Danyarta ah ee ku nool Xafadaha Magalada Bullo burte.

Maamulaha Iskuulka Actoobar Cismaan Faarax Cadde ayaa shegay in ay daruufo adag ay soo wajahday Waxbarashada Dagmadooda haba ugu darnaatee Iskuulkooda oo hada aad u bur bursan,

Cismaan Farax Cadde ayaa shegay in wax xiriir ah uusan kala dhaxeynin wasaarada waxbarashada Soomaaliya iyo mida Hirshabeelle waxaana uu intaa raaciyay in ay dayaceen kaalintii loga bahnaa ee aheyn ka warqabida Baahiyaha waxbarasho ee dagmadooda.

Gudoomiayah Dagmada Bullo burte Cabdi daahir Guure oo dhawaan booqday Dugsiyada waxbarashada Bullo burte ayaa qiray dhibaatada ka jirto xarumaha wax lagubaro ardayda in ay yihiin kuwa bur bursan.

Waxaa mesha ka baxay kaal madii laga heli jiray hayadaha Samafalka ee ka howlgali jiray Magalada iyo Taageerada  Dowlada Soomaaliya iyo mida Maamulka Hirshabelle,waana mida uga sii dartay in goobaha waxbarashada ay bur buraan'' ayuu yiri Gudoomiayaha Dagmada Bullo burte Cabdi Daahir Guure.

Tan iyo Markii ay Godoomiyeen Al shabab Magalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa mesha ka baxay adeegyo badan oo muhiim u ahaa shacabka kunool dagmadaas.

Maxamed Cisman Makaran