4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Qof loo qabtay dilkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada London

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Nin dhalinyaro ah oo 18 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo toori lagu dilay.

Ninkan oo lagu magacaabo Isaiah Popoola oo 18 ah ayaa loo heystaa dilka Cabdiqaadir Xasan oo 17 jir ah iyo Sadiiq Aadan Maxamed oo 20 jir ah, kuwaas oo talaadadii lasoo dhaafay lagu diley xaafadda Camden ee London.

Waxaa sidoo kale ninkan loo heystaa dhaawacyo uu u geystay labo qof oo kale isla habeenkaas uu dhacay falka dilka ah.

Mr. Popoola ayaa ka soo muuqan doona maxkamadda Highbury xili dambe oo maanta ah.

Dilalka lagula kaco dhalinyarada Soomaaliyeed ah ayaa kuwo ku badan dalka Britain, iyadoo horay sidan oo kale dad loo xirxiray dalal ka dhacay dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]