4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Wafdigii ka socday Turkiga ayaa kormeeray Dakadda Kismaayo iyo Deegaanka Goobweyn


Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee Jubbaland, safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, xoghayaha dowladaha hoose ee Turkiga iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqasho ku tagay Dekedda magaalada Kismaayo iyo deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo.

Wafdiga ka socday Turkiga ayaa xalay ilaa saaka waxa ay kulamo la lahaayeen madaxda Jubbaland, kulamadaa oo diiradda lagu saarayay sidii ay dowladda Turkiga kaalin uga qaadan lahayd horumarinta Jubbaland iyo weliba sidii ganacsatada dalkaasi ay maalgashi uga sameyn laheeyeen gobollada Jubbaland.

Kulankii xalay ayay masuuliyiinta Jubbaland kusoo bandhigeen muuqaallo ka turjumayay kheyraadka Jubbaland ay leedahay iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay ganacsiga Jubbaland iyo xiriirrada dhanka ganacsi ee ay gobollada Jubbaland la wadaagaan dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa masuuliyiinta ka socotay Turkiga waxa uu geeyay Dekedda Kismaayo, halkaa oo ay ku xirnaayeen doomo Ganacsi, waxaa sidoo kale madaxda lagu soo wareejiyay qeybaha ay ka koobantahay Dekedda, iyo maraakiib dagaal oo ku burburay gudaha dakadda kuwaa oo xanibay isticmaalka qeybo ka tirsan goobaha ay ku xirtaan Maraakiibta.

Intaa kadib ayay madaxdu u ambabaxeen deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 13-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Deegaankan oo ku yaal halka ay ku kulmaan badweynta Hindiya iyo webiga Jubba ayay masuuliyiintu kusoo wareegeen, ayagoo sidoo kale tagay dhul beereedyo halkaasi ku yaal.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay dhul barwaaqo ah una baahan in laga faa’iideysto, isagoo xusay in deegaannada uu maro webiga ay yihiin dhul ku haboon beerashada, balse aan laga faa’iideeysan.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in ay aad ula dhaceen warbixinnada laga siiyay gobollada Jubbaland, isagoo sheegay in qorshaha ay u yimaadeen uu ahaa sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen horumarinta gobollada Jubbaland, si gaar ah magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay ka fulin doonaan mashaariic dhanka horumarka ah.
Safiirka ayaa sheegay in wafdigooda oo ay qeyb ka yihiin madax ka socotay dowladaha hoose ee dalkaasi iyo ganacsato ay sidoo kale u kuurgali doonaan fursadaha dhanka maalgashiga ee ka jira Jubbaland.

Wafdiga ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.