4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Kulan looga hadlayay sida wax looga qaban lahaa Diiratada oo Mugdisho lagu qabtay


Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Kulan aay iskugu yimaadeen xubno ka socdo wasaaradaha beeraha maamul goboleedyada , Dowladda faderalka iyo hay'adda Cuntada adduunka ee FAO ayaa waxaa looga hadlayay sida wax looga qaban lahaa cayayaanka loo yaqaano diirdiiratada.

Kulanka waxaa furay Wasiir ku xigeynka wasaarada beeraha soomaliya Xamuud Cali Xassan “ Waxaa hada la iskugu kiin yeeray si inaan ka tashano sida aan kaga hortagi laheyn baahalkaan Diirdiiratada ah ee qatar teeda leh ee mar kaliya cuneysa beerta” ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday maamul goboleedyada waxaana afka maamul goboleedyada ku hadlay Wasiirka beeraha Hirshabeelle Xassan Axmed Muudeey ayaa uga mahad celiyay dowladda federalka iyo FAO  lana dardaarmay maamul goboleedyada iney ka faa ideystaan  

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa wajigiisa labaad waxaa lagu qaban doonaa meel ka mid ah deegaanada maamul goboleedyada dalka

Abdisalan Nor Dirie , Hiiraan Online
[email protected]
Mugdisho , Somalia